In ka badan illaa 23 qof oo ku geeriyootay falal aargoosi beeleed ah oo ka dhacay tuulada Ceel-Dheere iyo Goobaanle ee duleedka Degmadda Wanle-weyn.

GOOBAANLE

Halkaan ka akhri

In ka badan illaa 23 qof oo ku geeriyootay falal aargoosi beeleed ah oo ka dhacay tuulada Ceel Dheere iyo Goobaanle ee duleedka Degmadda Wanle-weyn. 

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxay xiisaddo colaadeed ka taagnaayeen Deegaannadda Ceel Dheere iyo Goobaanle ee dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Wanle-weyn ee Gobalka Sh/hoose, kaasi oo u dhexeeyey Maleeshiyooyin ka tirsan mid ka mid ah Beelaha wada degga qeybo ka mid ah Goballadda Sh/hoose iyo Hiiraan.

Ilo xoog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay, ayaa waxay noo xaqiijiyeen in ugu yaraan illaa 23-qof oo rayid ah siyaabo kala duwan oo falal aar-goosi ah , waxayna dadka bilaabeen inay ka barakacaan.

Deegaannadda Ceel Dheere iyo Goobaanle, Tuulooyinkaan ayaa ah kuwa ay wada dagaan Beesha Gaaljecel oo kaliya, Dagaalkaasina uu u dhexeeyo jufooyin ka wada tirsan eesha Gaal-jecel oo lagu magacaabo CALOOFI & SUGOOW iyadoo uu dagaalkoodu ka bilowday Aargoosi qabiil.

Wararku, waxay sheegayaan inay socdaan dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo falalka is ugaarsiga ee u dhexeeya Maleshiyooyinka CALOOFI & SUGOOW, laakiinse, ma muuqdaan ifafaalo horseedi kara in lagu joojiyo is dilkaasi, oo la xaqiijiyey inuu saamayn ku yeeshay qeybo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in illaa iyo iminka uu socdo dagaalkaasi uuna marba marka kadambeyso sii kululaanayo.

Sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyay in ay beelahaasi isu hub uruursanayaan, maalin walbana magaalada muqdisho ay ka baxaan baabuur hub iyo rasaan u sida labadaasi jufo ee dagaalamaya.

Dhinaca kale, Maamulka Degmadda Wanle-weyn, wax hadal ah kama soo saarin dagaalka is-mirka leh ee weli ka socda Deegaannadda Kabo-herreg iyo Goobaanle oo hoos taga Maamulkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s