Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay dowlada KMG ah iyo dowlada Mareykanka..

Khilaaf Cusub oo xaga dib lumaasiyada ayaa waxa uu ka dhax qarxay dowlada KMG iyo dowlada Mareykanka kadib markii dowlada KMG ay diiday in ay bixso lacag la sheegay in lagu dayac tiro guryo ay deganeed dowladii hore islamarkaana ay isticmaalaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG taasi oo dowlada KMG ay ku tilmaamtay mid aan soconeynin.

Dowlada Soomaaliya ayaa dowlada Mareykanka waxa ay ka codsatay hanti kala gadisan iyo qalab ay horay u laheyd dowladii hore oo ku yaala dalka Mareykanka in ay gacan ka geesato sidii dayac tir loogu sameyn lahaa gurigaasi.

Afhayeen u hadlay waaxda arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay u muuqato mid ka meer meereyso in ay ka shaqeeso danaha caadiga ah ee dalka ,waxaana hantidii qaranka ee dadku ku shaqeysan jireen ay u muuqato mid aan dowlada KMG ay indhaha ku heynin.

Afhayeenkaan oo lagu magacaabo Celeste Ingalis ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG ay isku dayayaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay bixiso lacag dhan 54,kun oo dowlarka Mareykanka ah oo la doonayo in lacagtaasi lagu dayac tiro guryo dowladii hore ay deganaan jirtay oo ku yaala magaalada Washington ee dalka mareykanka,waxaana dhismihii hore ee dowladii hore ay u muuqdaan mid aan la daganeyn.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowlada KMG gaar ahaan Safiirka Soomaaliya u fadiya Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu tagay Xarunta QM ee Magaalada New York ayaa waxaa dilaacday dood dheer oo looga hadlayo dhayactirta gurigaasi oo ay deganaan jirtay dowladii hore.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s