Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo lagu garaacey Madaxtooyada & Garoonka magaalada Baydhabo.

Saakay subaxnimadii saacadda marki ay aheyd Abaare 11: 30 barqanimo ee Maanta ayaa tiro madaafiic ah oo nooca hobiyaha waxaa lagu garaacey xarunta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo ee gobolka bay.

Inta la og soon yahey ilaa 6 madfac ayaa lagu weerarey xarunta madaxtooyada ee magaalada baydhabo kuwaas 2 ka mid ah la xaqiijiyey in ay gudaha u galeen halkii lala beegsadey.

Dhanka kale madaafic kale oo u ekeyd jawaab kuwii lagu soo weeraray Maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa loo ridey dhankii madaafiicdaasi ka imaaneysay kuwaas oo laga ridayey isla xarunta madaxtooyada.

Lama oga inta uu la egyahey khasaaraha ka dhashey madaafiicdan Maanta lagu garaacey xarunat madaxtooyada ee magaalada baydhabo, in kastoo wararka qaar ee laga helayo magaalada Baydhabo ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo ay geysteen madaafiicdii maanta kuwaas oo la xaqiijiyey in qaar ka mid ah madaafiicdaasi gudaha u galeen xarunta.

Waa markii ugu horeysay inta la ogsoon yahey oo Maalin cad weerar madaafiic ah lala beegsado xarumaha magaalada baydhabo ay ka degan yihiin ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo madaxda sar sare ee dowladda KMG ah.

Dhawaan ayey aheyd markii wakhti habeen ah madaafiic xoogan oo gaaraya illaa 25 madfac lagu garaacey xarunta madaxtooyada, kuwaas oo ciidankii ku sugnaa ay u geysteen khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee magaalada Baydhabo ayaa Maanta in muddo ah uu hakad ku yimid, cabsi dadka rayidka ah ka qabeen in ciidamadu ku soo faafaan qeybo ka mid ah magaalada khasaarena halkaa ka geystaan.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s