Sheikh Shariif Sh. Axmed oo Jaamacadda Carabta ka codsaday in Ciidamada nabad ilaalinta la keeni doona Soomaaliya ay u badnaadaan kuwa Wadamada Carabta.

Wargeyska Asharqalawsat oo maqaal dheer ka qortay Booqashada wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo imminka Booqasho ku jooga Dalka Masar ayaa shalay kulamo isdaba joog ahi la yeeshay xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Masar Axmed Abuu Al-Qeyd, Xoghayaha Guud ee Arimaha Siyaasadda Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Bin Xali iyo Safiirka Samiir Xusni U qaabilsanaha Jaamacada Carabta Arimaha Afrika.

Xasaam Zaki oo ah Afhayeen u hadla Wasaarada Arimaha Dibada Masar ayaa sheegay in wafdiga Isbahaysiga Soomaalida iyo Mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Masar ay isla falaqeeyeen sida loo fulin lahaa heshiiskii Jabuuti ee ay wada saxiixdeen xukuumadda KMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta,.

Sidoo kale wafdigu waxay dhageysteen talooyin ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta dowladda Masar, kaasoo la xiriira aayaha Soomaaliya ee dib u soo celinta daganaanshihii iyo nabada iyo waliba dhisida Dowlada Soomaaliyeed, iyo xaqiijinta heshiis loo dhanyahay”.

Mudane Zaki ayaa wuxuu intaa ku darayoo sheegay in wafdiga Soomaalida ah ay yihiin kuwo aad ugu dadaalaya sidii nabad loogu dhigi lahaa dalka Soomaaliya ,ujeedada booqashada Masar iyo meelaha kale ay wafdigan socdaalo ay ku marayaan dhowr dowladood, balse waxayna Booqashadooda Masar cadaynaysaa sida ay udub dhaxaad ugu tahay Arrimaha Soomaalida sida kuwa imminka ka taagan iyo kuwa soo socda ee la xiriira qadiyada Soomaaliya”.

Afhayeenka ayaa xusay in kulankii dhex maray Isbahaysiga garabka Djibouti iyo Wasiirka Arimaha Dibada ay iskula soo hadal qaadeen kaalinta ay Masar ka qaadan karto kaalmeynta dhinaca Arimaha caalamiga iyo kuwa goboleedka iyada oo ay labada dhinac isla ogolaadeen in la sii wado taageerida meel marin heshiiskii Jibouti gaar ahaan dhinacyada siyaasada iyo amniga iyada oo ay garabka isbahaysiguna codsadeen in ay dowladaha carbeed iyo kuwa islaamkaba garab istaagaan sidii loo soo celin lahaa dib u dhiskii Soomaaliya isla markaana lagu kaalmeeyo shacabka soomaaliyeed waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Hase ahaatee Wargeyska Asharqalawsat ayaa sheegtay in Wafdiga soomaalida ay codsadeen intii ay kulanka la lahaayeen Axmed Bin Xali Xoghayaha guud ee Arimaha siyaasada Ururka Jaamacadda Carabta iyo safiirka Samiir Xusni u qaabilsanaha Jaamacada Carabta Arimaha Afrika in ay noqdaan Ciidamada Carabtu kuwa asaaska u ah ciidamo kasta oo ka socda Qaramada Midoobey oo loo soo diro Soomaaliya si ay u badalaan ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale Axmed Bin Xali ayaa sheegay in codsigooda labaad uu ahaa “in kaalmo Bani aadamnimo loo helo hal milyan iyo Bar Soomaali ah oo Barakacay kuwaas oo ay la soo gudboonaadeen Gaajo iyo xaalado adag iyo Dagaalo joogta ah, waxayna wafdigu doonayaan in la helo kaalmo maadi ah oo carbeed oo deg deg ah”.

Hase yeeshee Axmed Bin xali ayaa sheegay in Wafdigu Soomaalidu ay codsadeen in la helo kaalmo carbeed oo dhinac Tacliinta ah, taasoo ay Wafgigu warbixintooda ku sheegeen inay jirto cabsi wayn oo laga qabo in Soomaaliya ay ka abuurmaan Jiilal Aqoon lahayn oo aan aqoon sida wax loo akriyo iyo sida wax loo qoro midna, hadaysan Dowladaha carbeed ay Soomaaliya ula soo gaarin Kaalmo deg deg ah oo ay dib ugu soo nooleynayaan nidaamkii waxbarashada iyo dhismahoodii, taasi oo keeni karto khatar ugu weyn oo la soo gudboonaata soomaliya”.

Si kasta ha ahaatee Axmed Bin xali ayaa sheegay in dhamaan codsiyadaasi loo gudbin doono Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa halka Wasiirka Arimaha Dibada Masarna uu soo bandhigi doono arintan kulankooda soo socda ee Bisha inagu soo fool leh ee September.

Ugu dambeyntii mar wax la weydiiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed awooda ay ciidamada soomaalida u leeyihiin in ay sugaan amaanka Soomaaliya ayaa waxa uu uga jawaabay “ ciidamada soomaalidu waxay qeyb ka noqon doonaan nabad ku soo dabaalida wadanka, laakiin waxaa jiraya ciidamo Q.M oo aan rajaynayno in ay ka qeyb qaadan doonaan dowlado carbeed nisbo aad u wayn ciidamada soomaaliduna waxay noqonayaan kuwo xoojiya ciidamadaas”.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s