Wareegto kasoo baxday Taliska Ciidanka Boliska oo Saraakiil cusub loogu Magacaabay Gobolka Sh/Hoose.

Taliska Ciidamada Boliska ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta Saraakiil Cusub u magacaabay gobolka Shabeelaha hoose kadib markii wareygto ka soo baxday taliska Ciidamada Booliska looga qaaday xilka Saraakiishii hore ee Gobolkaasi.

Afhayeenka Ciidamada Boliska C/llaahi Xasan Bariise ayaa idaacadaha Muqdisho mid kamid ah u sheegay in Saraakiil Cusub Gobolka Sh/hoose loo magacaabay kuwaasi oo badalaya kuwii horay xilka looga qaaday.

Saraakiisha loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay kala yihiin.

1- C/llaahi Soomow Isaaq – Taliyaha qeybta Boliska ee Gobolka Sh/hoose.

2-Garaad Maxamed Abuukar – Taliye ku xigeenka qeybta Boliska ee Gobolka Sh/hoose ee dhinaca howlgalinta.

3-Ibraahim Walaq Karshow – Taliye ku xigeenka qeybta Boliska ee Gobolka Sh/hoose ee dhinaca Maamulka.

4-Cumar Calasow Maxamed – madaxa xafiiska Ciidanka ee qeybta Boliska ee Gobolka Sh/hoose.

5-Muuse Cismaan Cumar – Madaxa Xafiiska Tababarada ee qeybta Boliska ee gobolka Sh/hoose.

6-Khaliif Weyd Xaashi – Madaxa saadka ee qeybta Booliska ee Gobolka Sh/hoose.

Saraakiishan loo magacaabay Gobolka Sh/hoose ayaana la ogeyn wax yaabaha ay ka badali karaan Gobolkaasi xili Saraakiishii xilka laga xayuubiyay ay qaadaceen xil ka qaadistaasi ayna ku tilmaameen mid aan wax jira aheyn.

Majiro war ka soo baxay Saraakiishii hore Gobolka Sh/hoose oo ku aadan Saraakiisha Gobolka Sh/hoose loo magacaabay iyadoo aan la ogeyn sida uu noqon doono xaalka Gobolkaasi.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s