Xunbaha Baarlamaanka KMG ah oo la kala saftay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde iyo Xeer ilaaliyaha dowladda KMG ah oo eedeeyay Nuur Cadde.

War ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Dowladda KMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Ethiopia C/laahi Daahir Barre ayaa tilmaamaya xil ka qaadista uu nuur cadde kula dhaqaaqay Max’ed dheere iyo waliba Magacaabida wasiirada cusub ay tahay mid sharci daro ah oo ka hor’imaanaysa qodobada Dastuurka KMG ah ee Qaranka Soomaaliya.

Hase ahaatee Xeer Ilaalayaha ayaa sheegay in Nuur cadde uu yahay oo kaliya soo jeediye ka dibna warqada uu soo jeediyo loo gudbinayo C/laahi Yuusuf oo uu ku sheegay in uu awood u leeyahay in uu diido ama uu ogolaado oo uu ka soo saaro “Dekareeto”.

Balse Xeer ilaaliye C/laahi Daahir Barre ayaa shaaca ka qaaday in C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ka codsadeen in uu warcad ka soo saaro is-qab qabsiga labadooda isaga uu sheegay in uu soo saaray warqad qoraal ah oo uu sheegay in uu ku cadeeyay in ay sharci daro tahay Talaabooyinka Nuur Cadde ku magacaabayo wasiirada cusub iyo xil ka qaadista Max’ed Dheere.

Si kastaba ha ahaatee warkan ayaa ku soo baxay iyada oo uu sii xoogaysanayo khilaafka Ba’an ee ka aloosan C/laahi Yuusuf iyo Nuur cadde kaas oo la xiriira Arimaha ay ka midka yihiin Awooda Maamul. Arimaha Dib u heshiisiinta iyo Amaanka wadanka.

Hase yeeshee wararka ka soo baxayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xunbaha Baarlamaanka KMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Ethiopia ayaa iyaguna la kala saftay C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, balse warar hoose ayaa sheegaya in xukuumada Ethiopia ay C/laahi Yuusuf ka dalabtay in uu yimaado Addis Ababa; hase ahaatee la sheegay in C/laahi uu diiday awaamiirta Meles Zanawi.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s