Dagaal xoogan oo dhex maray ciidanka maamulka Afgooye iyo kuwa dhowaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia.

Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Maanta gelinkii danbe waxaa uu ka qarxay gudaha Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia iyo Ciidamada Maamulka Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin laxaad leh oo isugu jira Dhimashada 7 ruux iyo dhaawaca tira kale, dadkaas oo badigood lagu sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah oo rasaasta habawga ah ugu tagtay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ay arkayeen maydka 2 askari oo ka tirsan Ciidamada dawladda KMG ah ee dhawaan lagu soo tababaray Ethiopia, kuwaas oo maykooda ay qaateen ciidankii lasocday.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu istaagay gabaldhicii, iyadoo ay labada dhinac isku horfadhiyaan gudaha Magaalada Afgooye waxaana jira dad farabadan oo rayid ah oo ku xayiran halkii dagaalku ku qabsaday kuwaas oo ka cabsi qaba in uu dagaalku dib u bilawdo.

Waxaa caawa istaagay dhamaan dhaqdhaqaqyadii degmada Afgooye waxaana bilawday qax ay dadka rayidka ahu uga baxsanayaan dagaalkan dhex maraya Ciidamada ka wada tirsan dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethiopia.

Horay ayay dawladda KMG ah xilkii uga qaaday Saraakiisha Boliska Gobolka Sh/Hoose kuwaas oo diiday in ay u hogaansamaan wareegtada lagu casilay waxayna wacad ku mareen in hadii ay Gobolka soo galaan ciidamo ka socda dawladda ay dagaal kala hortagi doonaan.

Dagaal noocan oo kale ah ayaa ciidamda dawladda KMG ah ee lagu soo tababaray dalka Ethiopia iyo Boliska Gobolka Sh/Hoose waxaa uu Maalmo ka hor ku dhexmaray gudaha magalada Afgooye kaas oo ay ku geeriyooden 3 ka mid ah Askartii dagaalku dhexmaray.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s