Kulanka Beesha Mudulood oo laga soo saaray Warsaxaafadeed looga soo horjeedo Siyaasadda C/llaahi Yuusuf.

Ujeedada shirka ayaa waxaa uu ahaa mid looga soo horjeedo hadalkii ka soo yeeray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxana ay isku raceen dhamaan odoyashii ka hadlay halkaasi in ay saluugsan yihiin qorshaha uu wado madaxweyne C/llaahi Yuusuf, sidoo kale waxay sheegeen in uu baalmaray howlihii nabada ee looga fadhiyey in ay ku dhaqaaqdo dowladiisa.

Xuseen Axmed oo Saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in isu imaatinka Maanta uu ku saabsanaa qaabka loo magacaabay kusimaha gudoomiyaha iyo duqa magaalada iyo ka horimaadka uu ka horyimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuuna intaa ku daray markii ay arkeen waxyaabo badan oo aan Beesha dan u aheyn in ay isla garteen ujeedo gaara in Beesha laga leeyahay ,

Waxayna ku eedeen in uu noqday duq Magaalo taladiina uu isku koobay mas uuliyadii dalka Soomaaliyeed uu dhamaan ku tagri falay wuxuuna magacaabay duq Magaalo isaga oo ku adkeystay in cid kale aysan waxba magacaabi Karin.

Xuseen Axmed “waxaan cod dheer ku leenahay C/llaahi Yuusuf haka tanaasulo waxyaabaha dhibaatada ah ee uu shacabka dhexdiisa ka abuurayo haka tanasulo mas’uuliyada dadka la leh in uu isagu digtaatornimo kula dhaqmo haka badalo hana u badalo furfurnaan iyo tanasul haddii uu sidaa yeeli diido meeshu Puntland maaha ayuu sii raaciyey isaga oo hdalkiisa sii wato “wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed laakiin hada wuxuu u egyahay oday Puntland ah”.

Waxaa sidoo kale ay soo hadal qaadeen arinta xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee uu ku sheegay in RW. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) aysan shiqadiisa aheyn in uu wax badalo waxna maamulo waxayna sheegeen in xeer ilaaliyuhu uu yahay microfonkii C/llaahi Yuusuf shaqadiisana maaha arinta magacaabida gobolka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Maanta ay soo saareen qaar ka mid ah Odoyasha Mudulood.

Waxaa ay ka hadleen aqoonyahaynada Maanta shirka ka qeyb galay xilka qaadistii dhawaan uu ku sameeyey RW. Nuur Cadde duqii hore ee gobolka Banadir iyo Magacaabidii kusimaha loo lagamacaabay in ay aheyd arinta uu dan u arkay RW. Nuur Cadde waxayna sheegeen in uu ishortaag ku sameeyey C/llaahi Yuusuf oo uu soo saray wareegto lidi ku ah tii hore waana iska horkeen Beesha u rabo in uu qalalalaase ka dhex abuuro.

Xuseen Cabdi oo ka mid ahaa dadkii shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in isqab qabsiga uu ka yimid dhibaatada ka jirta gobolka Banaadir oo ay sheegeen in ay mid ka weyni ku soo wajahantahay hadii aan laga hortagin wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay foolkaanadaan uu wato nin kaligiis waxayna sababtay in uu bato kulamada looga hadlayo arintaas arimaha ka soo ifbaxay Mas’uuliyinta ugu sareyso dowlada KMG uu ugu horeeyo C/llaahi Yuusuf.

Kulamada noocan oo kale ah ayaan ahayn kulamo ku cusub magaalada Muqdisho waxaana isla Maanta ka dhacay qeybo kale oo ka mid ah magaada Muqdisho kaas oo ay iskugu yimaadeen Beelo ka biyo diidsan sida ay u socdaan howlaha xukuumada KMG.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s