Mujaahidiinta Al-Shabaab oo mar kale si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Degmada Xudur.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saakay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo Maamulkii dowladda KMG uga wakiilka ahaana isaga baxeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Maamulkii dowladda KMG u qaabilsanaa magaalada Xudur ay u baxsadeen dhinaca Magaalada Baydhabo oo ah Magaalada kaliya ee Gobolka Baay ay ku harsanyihiin ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dageen Saldhiga Booliiska iyaga oo sidoo kale galay xarumihii Maamulka dowladda KMG ah ay halkaasi ku lahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Mujaahidiinta Al-Shabaab halkaasi qabsadeen iyadoo aan lagala hor’imaan wax dagaal ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigaan magaalooyin ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Baay iyo Bakool, lamana sheegi karo hadda in ay ku sii nagaanayaan iyo in kale.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s