Salaad Cali Jeelle oo sheegay in uusan wax dembi ah kagelin Shacabka Soomaaliyeed xilligii uu ahaa..

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa Saraakiishii dowladda KMG ee horkacaysay dagaalkii ay ciidammada gumeysiga Ethiopia ku qabsadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sanadkii 2006-dii ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uusan wax dembi ah kagelin.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SALAAD CALI JEELLE EE BBC-DA

Dad badani waxay Salaad ku eedeeyaan inuu galay dembiyo bani’aadanimada ka baxsan maadaama uu hormuud ka ahaa hawl galadii ciidanka gumeysiga Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen Shacab aad u fara badan oo Soomaali ah, taas oo Salaad Cali Jeelle uu beeniyo inuu wax dembi dagaal ah ka galay.

Salaad Cali Jeelle waxa uu waqtigaas ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ee dowladda KMG ah xilligii Cali Maxamed Geedi uu ahaa RW., laakiin hadda kama tirsana dowladda KMG hase ahaatee waxaa uu ku jira Baarlamanka KMG.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SALAAD CALI JEELLE EE BBC-DA

Wareysi dheer oo uu siiyay BBC-da ayaa Salaad Cali Jeelle, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, waxaa uu kaga waramay arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta iyo eedeeymaha loo soo jeediyay in ay galeen xilligii ay Somalia keeneen ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s