Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska gobolka Sh/Hoose oo shalay loo magabaay Ibraahim Walal Maxamed oo iska casilay xilkaasi Maanta.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska Ibraahim Walal Maxamed ee dhawaan taliska guud ee ciidanka Boliska ee dowladda KMG ah ay u magacowdey gobolka Shabeelaha Hoose ayaa arinta magacaabista Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska Maanta gaashanka u daruurey.

Ibraahim Walal ayaa sheegay in magacaabistaasi loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska uu bari ka yahey, markii la magacaabayeyna aanu war u hayen balse uu warbaahinta uun ka maqley.

Shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtey degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayuu ka sheegay in aanu qabaneyn xilka loo magacaabey iskana casilayo ayna tahey arin la isaga dhaqaaqey oo aanu markeedii hore isaga lasoo wargelin.

Waxaa uu sidoo kale ka sheegay shirkiisa jaraa’id in aanu diyaar u aheyn in uu xil ka qabto dowladda KMG, arinta ay ku dhaqaaqeen taliska Boliskuna ay tahey mid iyaga ku keli ah oo aan la ogsooneyn.

Waxaa kaloo uu sheegay Ibraahim Walal in aanu laheyn khibrad ciidan oo uu yahey macalin dugsi Qur’aan shaqadiisa Macalin nimana uu sii wadanayo.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Saraakiil dhowr ah oo loo magaabey ciidanka boliska ee Gobolka Shabeelada Hoose, ka dib markii Saraakiishii hore xilalkoodii looga qaadey.

Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxey Saraakiisha kale ee isla marka lala magacaabey Sarkaalkan Maanta iska casiley xilkii dhawaan loogu magaceebey ciidanka Boliska ee Gobolka Shabeela Hoose.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s