Dr. Cumar Imaan:- “dagaalka waa wadaynaa Hogaanka kala daadsana waa la isku keenayaa Inshaa Allaah”.

Dr. Cumar Iimaan Abubakar oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn uguna caansaan ee dal iyo dibadba sida weyn looga yaqaan ayaa maanta waxa uu muxaado khadka telephone ah ka jeediyey lagu qabtey masjidka weyn ee Suuqa Daawada ee Bakaaro ee Magaalada Muqidhso.

Muxaadarada maanta uu akhriyey Dr Cumar Imaan ayaa waxa ay ka mid tahey Muxaadarooyin musal sal ah oo beryahan ka socdey Magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlayey Wadciga ka taagam Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arimaha jihaadka iyo mideynta garabyada mujaahidiinta Soomaaliyeed.

Muxaadaraadkan ayaa waxa soo abaabula guddi ka kooban dhamaan garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed, kuwas oo ay u xuleen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen, Mideynta Sufuufta Muslimiinta iyo qabashada muxaadaraad ay jeedinayaan culimada Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka uga sugan yihiin si wacyiga Mujaahidiinta iyo shacabkuba u ahaado mid ku xiran diinta Alle ee culimadu xambaarsan yihiin.

Sheikha ayaa muxaadaradiisa gundhiga uga dhigey, ka hadalka arinta Jihaadka barakeysan ee Dalka ka socda,sida ugu haboon ee ay tahey in lagu mideydan karo garabyada Mujaahisiinta Soomaaliyeed ee dagaalka jihaadka ah kula jira Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo dabadhifyadooda, arimaha Shirka Jabuti, asbaabaha guusha lagu gaaro karo, iyo xalinta khilaafaadka.

Ka hor intii aanu sheekhu guda gelin barnaamijka muxaadarada, waxa uu wax yar ka taabtey fikirka diiniga ah ee ku aadan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya, isaga oo tusaale u soo qaatey dagaaladii lala galey hogaamiye kooxeedkii ka arimin jirey Magaalada Muqdisho ee xoogaga mujaahidiinta MMI Soomaaliyeed ka eryeen Magaalada Muqdisho ka dib dagaalo xoogan oo ay la galeen.

Waxaa uu sheegay sheekhu in arinta hadda taagan ayna waxba ka duwaneyn taa hore, arintuna ay tahey in ummadu fikirkeeda ku aadan la dagaalanka cid walba oo Diinta, Dadka iyo Dalka cadow ku ah, aan laga marin habaabin ee lagu sii jiheeyo sidii jihaadka barakeysan ee ay ku jiiraan loogu sii dhiiri gelin lahaa laguna garab istaagi lahaa naf iyo maalba, si maalin maalmaha ka mid ah u gaari lahaayeen Dowla Islaam ah oo si sax uga fikirta aayahooda danbe ee Aduun iyo Aakhiroba.

Ka dib baraarujimtaa hordhaca ah waxa Ugu horeyn uu si xeel dheer uga Hadley sheekhu arinta jihaadka, isaga oo faah faahino dheeraad ah ka bixiyey ujeedada dhanta ah ee Alle jihaadka ugu waajibiyey adoomadiisa.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee Alle jihaadka u waajibiyey ayuu sheekhu ku sheegay in uu yahey cibaado Alle, mar haddii camalkuna uu noqdo cibaado Alle ay tahey sidii Alle u waajib yeelay in loo fuliyo iyada oo loo eegayo maraaxishiisa kala duwan.

Waxaa uu sidoo kale ku sheegay sheekhu ujeedka Alle jihaadka ummadiisa ugu farad yeelay in ay tahey sidii uu dadka qaar uga yeeli lahaa shuhadu, kuwaas oo Alle dartii u dagaalanta ka dibna lagu dilo dagaalka sidaana ku qaata darajada shahiidnimada.

Waxa uu sidoo kale sheekhu ku sheegay ujeedooyinka Alle jihaadka ka leeyahey in ay tahey siddii addoomadiisa looga xireyn lahaa ku tirsanaanta adoome kale, looguna soo weeciye in ay alle oo kelliya ku tiirsanaadaan cibaadooyinka oo dhanna isaga oo keliya uu keli yeelaan. Ciriiriga aduunka ku heystana looga saari lahaa, loona saari lahaa wasicnimada Aduun iyo Aakhiro.

Sidoo kale in uu Alle uga gol leeyahey jihaadka, sidii uu aduunka ugu imtixaani lahaa adoomadiisa si uu u kala ogaado kuwooda dhinta ku samraya iyo kuwla kale.sido kale kuwa wanaagsan iyo kuwa qaloocan.

Ujeedooyinka ugu waa weyn ee Alle jihaadka u waajibnimo yeelay ayuu sheekhu ku sheegay, in ay tahey sidii aduunkan logu maamuli lahaa shareecada Islaamka.

Qeybta 2aad ee Muxaadarada

Qeybtii 2-aad muxaadaro uu maanta khadka Taleefanka ahi ku qabtay Sheekh Dr. Cumar Iimaan Masjidka weyn ee Daawada Suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

Muxaadarada oo uu sheekha ugu hadlay arimo badan qaarkoodna aan idiinkugu soo gudbinay qeybta Koowaad ayaa waxa aanu qeybta labaad idinkugu soo gudbinaynaa qodobo ay ka mid yihiin.

1- Muqaawamada waa lagu dhex jiraa

2- Jihaadku Raayo la’aan Ma socon karaa

3- Midnimada

4- Jihaadka Ma looga fariisan karaa kala qeybsanaanta Mujaahidiinta?

5- Iyo Shirka Djibouti.

Muqaawamada waa lagu dhex jiraa

Sheikh Cumar Iimaan ayaa mar uu ka hadlayay sida ay reer galbeedku la doonayaan Muqaawamada ayaa waxa uu ka dhawaajiyay qodobo badan oo uu sheegay in ay ugu horeyso sidii Jihaadka loo baabi’in lahaa, ragna looga heli lahaa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:- “gaalada waxay nagala dagaalamaysaa inay jihaadka naga baabi’iso, oo ay ka dibna yiraahdaan isku kaaya dhiiba, xeerkaas caalamiga ah aanu isku wada maamulo, islaamna xagaas naga dhiga sidaas baa la rabaa in lagu qanciyo, dadka cilmaaniyiinta ah iyo waxa aan diinta lahayn horey bay arintaasi diyaar ugu yihiin,maanta waxaa loolan loogu jiraa dadkii Muqaawamada Mujaahidiinta ahaa in rag laga helo, fikradaasna laga dhaadhiciyo”.

Waxaa uu intaa ku daray cumar iimaan “haddii aan doonayno in illaahay sharaf iyo cisi uu na siiyo waxaan ku helay ma aha maraykan iyo wada hadalkiisa, UN iyo dabo socodkeeda, Dabo dhilif iyo wax la wadaagiisa kumaanan helin’e, illaahay SW raali garayntiisa iyo nafteena iyo maalkeena aan bixino unbaan ku helnay, haddii aan kii ka leexanana illaahay waxa uu na leeyahay waxa aad guul ka raadiseen ka doonta, marka waxaa dhici karta in duli iyo caaqibo xumo ay arintaasi ka timaado”.

Jihaadku Raayo la’aan Ma socon karaa

Sheikha ayaa sidoo kale la weydiiyay su’al ahayd “Mar haddii Jihaadku waajib yahay maantana uu dhulkeena ka jiro jihaadku Raayo la’aan Ma socon karaa”?

Waxaana uu ku jawaabay “Jawaabtu waa Maya!,Jihaadku wuxuu u baahanyahay raayo iyo Qiyaado, raayadu mincno badan ayay leedahay dad badan ayaa waxa laga yaabaa isagu maadaama uusan diyaar ahayn, diyaar garoobid la’aantiisa in uu Tabriir(Mar marsiinyo) u helo inuu doonayo, Jihaadka waa la galayaa haddii dad kale loo wayo 10 qof ay noqdaan dhex dooda ayay iska dooranayaan qiyaadada, raayadana saas ayay ku imaanaysaa, laakiin raayo guud oo Soomaaliya oo dhan inay madaxdeeda ay hesho ka dib baa Dagaal la bilaabi karaa macnaheeda waxa weeye sida aan nahay waligeen aan ahaano weeyaan, marka anagu waxaan aaminsanahay, intii ka horeysay Maxaakiimta waad ogayd qiyaado bay lahayd kala danbeyn ayay lahayd, khalal yar iyo madmadow baa soo galay haddana iyadii baa lagu dhex jiraa insha allaahu in xal loo helo haddii ay dhici waydana intii aan waxba diyaar u ahayn oo ummadda in ay la jaan-qaado ay ka hartay intii kalana ay qiyaadadooda socoto”.

Midnimada

“waxaan caqliga keeni karayn cadowgeenii oo gaalo cad iyo mid madow iyo mid soomaaliyeedba ay midoobeen anaga oo dad yar ah inaan isa sii khilaafsanaanaa wax guul lagu gaarayo ma ahan”. Sheekh Cumar iimaan ayaa yiri xili uu ka hadlayay khilaafka iyo kala qeyb sanaanta mujaahidiinta.

Sheikha ayaa ugu Baaqay Mujaahidiinta iyo Hogaamiyayaasha gudaha ka Jihaadaya in ay iyagu bilaabaan Midnimada iyo isku keenka garabyada Mujaahidiinta isaga oo arintaasi ka hadalayana waxa uu yiri “Hogaamiyayaasha gudaha waxaa aas aas u ah in ay iyagu marka hore ay midoobaan, oo ay aas aas u noqdaan sidii Hogaankii guud lagu heli lahaa iyada oo laga anba qaadayo Mabaadiidii iyo Rawaabidii islaamka ahayd” wuxuuna sheekhu ka digay in aan cudur daar laga dhigan “Imaam hadaan la helin Jihaad la heli maayo” isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Cudur daar noqon mayso sida dadka qaarkood ay caado ka dhigteen Imaam hadaan la helin Jihaad la heli maayo, macnaheeda Itoobiya aan isku dhiibno waaye, wax soconayana ma ahan, dagaalka waa wadaynaa Hogaanka kala daadsana waa la isku raadinayaa Cidii dan kale wadato iyadaa iska harayso insha allaahu tacaalaa”.

Sidoo kale Sheikha ayaa la waydiiyay “waxaa jira dad badan oo jihaadkii uga fariistay kala qeybsanaanta Mujaahidiinta oo kooxo kooxo noqday darteed” waxaana uu uga jawaabay sida tan “fiqi la’aanta ayay qeyb ka tahay, dagaalka in la wado waa waajib, midnimadiina in la helo waa waajib, labadoodii haddii la isla waayo oo dagaalkii waa la wadi karaa laakiin midnimadii baa la la’yahay, waajibkii mid baa la helay midkii kale ha la waayo meel ay ka jirto ma jirto, kana waa la wadayaa kan kalana waxaa waajib ah in aan raadino, haddii aan niraahno xabadii iyo qorigii aan dhigno hadhow maxaan ka bilaabaynaa, macnaha Cadowgeena ayaa Bir ah miyaa?! Mise waxaan leenahay ka dib ha la soo bilaabo ee dagaalkii aan galno sidaas miyaan leenahay?! Ma dhici karto, wixii la haayo waa lagu mintidayaa, inta dhimana waa la raadinayaa, dadaal badan baa lagu bixiyay hadana marxaladii marxalo ka fiican baan maraynaa insha allaahu ummadda way midoobi doontaa wixii xaq wada watoo dhan …illaahayna waa noo dhameystiri doonaa”.

Shirka Djibouti

Sheikh Dr. Cumar Iimaan ayaa la waydiiyay su’aal ahayd sida tan “ma la dhihi karaa shirkii Djibouti Ujeedadiisu waxa ay ahayd in la idinku kala qeybiyo, mirihii jihaadkana lagu duugo?” Sheikha ayaa ugu jawaabay sida tan “anaga waxaan aaminsanahay dadka wada hadalka wato oo ah dadkaas aad taqaaneen ee UN-ka ah oo maraykan leh oo Yurub leh oo aad ogtihiin.

لا يالونكم خبالا ودو ما عنتم قد بدت البغضاء من افواههم وما تخفي صدورهم أكبر قد بينا لكم الآيات إن كنتم تعقلون

dadkii uu illaahay naga waaniyay dadkaas wax allaale wixii ay fasaad idin soo gaarsiin karaan way idin soo gaarsiinayaan oo way idinkula dhaqmayaan, waxay idiin qarinayaan oo ay idiin soo wadaan ayaana ka weyn haddii aad dad wax garanayana aad tihiina illaahay aayaadkaas ayaan idiin cadaynay buu na leeyahay, marka dadka sheegaya in ay wada hadalka hormuud u yihiin oo maanta sheegay in ay soomaaliya wax u qabanayaan waa dad aanu ognahay waxaas dalka ka dhacaya in ay sabab u yihiin ay doonayaan in umadda dhibkaas haaya maanta ay u sii labo laabaan in ay yihiin waan wada ognahay xaqiiqo waaye, waad ogtihiin cadowga uu illaahay yiri

“ولن ترضى عنك اليهود ولاالنصارى حتى تتبع ملتهم

waxa nalagula dagaalamayana ay diinteena ay tahay, maanta haddii uu shacabka Soomaaliyeed ahaan lahaa shacab kirishtaan ah dowladiisa hal maalina ma dhici lahayn, waxa lagula dagaalamayna waa

وما نقموامنهم الا ان يؤمنو بالله العزيز الحميد ……”

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo isagana halkaasi ka soo jeediyay Tix gabay aha ayaa sheegay in dhibaatada soomaaliya ay asal u tahay Kitaabka alle oo aan lagu dhaqin soomaaliya isaga ku tilmaamay dadka xalka soomaaliya meel aan kitaabka alle ahayn ka raadinaya qof indhoole ah oo faynuus ku raadinaya irbad meel mugdi ah ku dhuntay.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sidoo kale sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ka guuleysteen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya isla markaana ay ku qasbeen in duulaankoodii soomaaliya uu ku soo uruuro sidii ay Biyo u heli lahayd oo kaliya ka dib markii illaahay fadligiisa ka dibna ay mujaahidiintu ka go’doomiyeen dhinac walba waxaana uu arintaasi tusaale ugu soo qaatay xiligii uu Imaam Axmed Gurey jihaadka kula jiray itoobiya uu ugu qasbay inay hilibka cayriinka ah cunto.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s