Sarkaal lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Cumar oo Hogaaminayey Ciidanka Boliska dowladda KMG oo la diley.

Sarkaalkii hogaaminayey Ciidanka Boliska ee dhawaan tababarku ugu soo dhamaadey dalka Ethiopia ayaa saaka ku dhintey weerar Bam oo lagula beegsady deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Cumar ayaa ahaa hogaamiyaha guud ee Ciidanka Boliska ee dhawaan tababarka ugu soo dhamaadey dhanka Ethiopia.

Sarkaalkan ayaa lala beegsadey Bam gacmeed taas oo keentey in uu ku dhinto Sarkaalkan oo keliya sida ay ku warameen ilo wareedyo xog ogaal ah oo goobta ka agdhawaa.

Bamka kadib waxaa ay ciidamadii la socdey Sarkaalkan fureen rasaas xoogan taas oo qof Dumar ah oo kamid aheyd dadkii goobtaasi ka agdhawaa in ay ku dhaawacanto, lamana sheegin khasaare kale oo halkaa ka dhashey.

Waa weerarkii ugu horeeyay uguna khasaareha badnaa ee lala beegsado Ciidanka Boliska ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia, kuwaas oo ku soo jeeday dhanka Magaalada Muqdisho.

Weerarada gaadmada ah ee xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay sida kediska ah ula beegsadaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya ee dowladda KMG ah ayaa ah kuwo ay ka soo gaaraan khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s