C/laahi Yuusuf oo ah Wakiilka dowladda KMG ah ee Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay marti galinayso goordhaw kulan ay isugu imaanayaan garabka Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Djibouti iyo Dowladda KMG ah si buu yiri la iskula meel dhigo loona saxiixo fulinta qodobadii lagu heshiiyay.
Balse qoraal ka soo baxay ergaygaas ayaa lagu sheegay in heshiiskii Jabuti aysan hor taagnayn wax caqabad ah laakiin uu u baahanyahay wixii lagu meel marin lahaa fulintiisa.
Hase ahaatee mar la weydiiyay sida laga yeelo codsiga garabka Isbahaysiga dib u xoreynta Djibouti ee ah in ciidamo u badan carab loo soo diro Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “xukuumada Soomaaliya dhankeedana waa mid mar walba arintaas codsanaysa in la soo diro ciidamo carab u badan, laakiin dowladaha carabtu wali kama aysan jawaabin codsigaasi”.
Wakiilka Dowladda KMG ee Jaamacadda Carabta C/laahi Yuusuf wuxuu intaa ku daray ciidamada caalamiga ah ayaa laga rabaa in ay dib u soo celiyaan amaankii iyo deganaanshihii Soomaaliya si ay ciidamada waxa uu ku sheegay Qaranka soomaaliyeed u dhameystiraan kaalintooda ku Aadan oo ah in ay ugu danbeyn badlaan kuwa caalamiga ah.
Si kasta arrinta ha ahaatee waxaa cirka isku shareeray khilaafkii ugu xoog badnaa oo lagu kala jiidanayo xubnaha Dowladda KMG ah ee ka dhex aloosanyahay C/laahi Yuusuf axmed iyo Nuur Nuur cadde kaas oo ku qotomo arimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, amaanka wadanka iyo dhaqaalaha soo gala wadanka.