Dagaal xoogan oo ka soconaya inta u dhaxeysa degmooyinka Wanla-weyn iyo Leego ee gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo tan iyo saakay dhaq-dhaqaaqyo ka sameynayey deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Wanla-weyn iyo Leego ee gobolka Sh/Hoose, ayaa waxaa halkaasi waxaa ka soconaya dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada gumeysiga iyo xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Dagaalkan oo bilawday goor dhoweyd ayaa la maqlayaa madaafiic iyo rasaas aad u xoogan, taasoo ay walaac aad u fara badan ka muujinayaan dadweynaha ku dhaqan hareeraya goobta uu ka soconayo dagaalkaasi.

Ma cad u jeeda ka dambeysa howl galada ay ku dhaqaaqeen ciidamada gumeysiga Ethiopia, hasa ahaatee waxaa uu dhaliyey dagaal dhex mara ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo xoogaga hubeysan ee Muqaawamada Soomaaliyeed.

Dagaalkan ayaa qeyb waxaa uu ka noqonayaa xiisado colaadeed oo mudooyinkan dambe laga dareemayay qeybo ka tirsan gobolka Sh/Hoose oo ay kal hore la wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s