Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xubno uu hogaaminayo oo ka soo degay magaalada Muqdisho.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha Cisaleey ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay ayaa ka qeyb qaadanaya soo dhoweynta Sheikh Shariif iyo xubnaha uu hogaaminayo, iyadoo halkaasi ay sidoo kale ku sugan yihiin mas’uuliyiin kala duwan.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo socdaalkiisa aan horey loo shaacin, ayaa lagu wadaa in uu booqdo deegaano kala duwan oo ka tirsan caasimadda, iyadoo ay wehlinayaan saraakiil sar sare oo ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Sheikh Shariif Sheikh Axmed cagta soo dhigay caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu burburka soo wajahay golihii Maxkadaha Islaamiga Soomaaliyeed, dabayaaqadii sanadii 2006-da.

Wixii kusoo kordha oo faah faahin ah kala soco wararkeena dambe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s