Koobkii kubadda Cagta ee Ciidul Adxaa ee ay Shirkadda Kaah Express ku qabatay wadanka Koonfur Afrika.

Waxaa Maalinti Isniinta aheyd oo ay taariiqdu ku beegneyt 8 December la qabtay koob Kubada Cagta ah oo loogu Xusayay Ciida barakaysan ee Ciidul Udxaa ayna soo qaban qaabisay Shirkad Xawilada Kaah Express Xafiiskeeda Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe oo Shaaca ka qaaday inuu Baarlamaanka kulmi doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in todobaadka soo socda uu Baarlamaanka kulankiisa u horeeya ka yeelan doono khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xubno uu hogaaminayo oo ka soo degay magaalada Muqdisho.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha Cisaleey ee waqooyiga magaalada Muqdisho. Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay ayaa ka qeyb qaadanaya soo dhoweynta Sheikh Shariif iyo xubnaha uu hogaaminayo, iyadoo halkaasi ay sidoo kale ku sugan yihiin mas’uuliyiin kala duwan.